Burco (Horufadhi News)-Boqor Faysal Cismaan oo kamid ah waxgaradka Beesha Habaryoonis ayaa ka hadlay Colaada Ceel-afwayn, Wuxuuna sidoo kale ka jawaabay Hadal kasoo yeedhay Madax dhaqameedka Beesha Bariga Burco.
HALKAN KA DAAWO VIDEO
“Nabaddu waxay leedahay Dariiq loo Maro, Qofka dhaarta Bururiyey ee Wacadkii Furay, ee ka baxay dhowr jeer, Miyaa mudan inuu maanta Hanjabo, Ninka Sidaas u hadlay waxaan uga digayaa Gardaro waana lagu Gubtaa waxa uu wado. ”
“Guud ahaan Soomaali waxaan ugu Baaqayaa Nabad, Sidoo kale Puntland iyo Somaliland waxaa ugu baaqayaa Nabad “
Ugu dambayntii Wuxuu sidoo kale ka hadlay Sarkaal ka tirsanaa Somaliland oo lagu magacaabo Caarre Kaasi oo Colaada darteed uga Goostay Somaliland, Wuxuuna sheegay in Marka Xiisada Ceel-afwayn Xal laga gaadho loo gudbi doono Arinta Caarre.