Hargeysa (Horufadhi News) – Maamulka Somaliland ayaa markii ugu horeysay Beesha Caalamka ka dalbaday in awood Siyaasadeed ay u adeegsadaan Dagaalka ka taagan deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool ee u dhexeeya Puntland iyo Somaliland.
Maamulka ayaa sheegay inuu sii xoogeysanaayo Khilaafka dhaliyay dagaalka labada dhan, sidaa aawgeed la doonaayo in sida ugu dhaqsiyaha badan Beesha Caalamka kusoo faragalisaa dagaalka.
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland Dr Sacad Cali Shire oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay Beesha Caalamku xogogaal u tahay kana dharagsan tahay xaalada ka taagan Gobolka Sool, gaar ahaan dagaaladii dhexmaray Somaliland iyo Puntland.
Sacad Cali Shire, waxa uu Beesha Caalamka ugu baaqay inay si toos ah u soo gasho arinkan, oo awoodooda dhaqaale iyo awoodooda siyaasadeedba u isticmaasho, sida uu hadalka u dhigay.
Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Sacad Cali Shire, waxa uu Beesha Caalamka u cadeeyay in Somaliland ay isku dayday in qaabab Siyaasadeed ay u xaliso dagaalka Tukaraq, hase ahaatee uu arrinku faraha kasii baxaayo, iyadoo aan la gaarin wax xal ah.
‘’Somaliland waxaa u cad Nabad iyo wada noolaansho waxaan ku celineynaa in dagaalka Tukaraq uusan ku xalismeynin si qaboow waa in Beesha Caalamka ay xalinta dagaalka u adeegsataa awoodooda dhaqaale iyo awoodooda siyaasadeedba’’
Dr Sacad Cali Shire,oo Sidoo ayaa sidoo kale baaq waano ah u diraya bulshada Reer Sool. wuxuu isagoo ka hadlaya mawqifka Somaliland uu yidhi “Inagu waxaynu nahay umad nabadeed, waxaanu jecel nahay inaynu nabad kula noolaano jaarkeena oo dhan, waana nasiib daro iyadoo ay tahay bil Ramadaan in dagaalo iyo weerar is daba joog ah, oo gardaro ah in la inagu soo qaado, inagu dagaal ma wadno, oo waxaanu doonaynaa in wixii inaga dhexeeya inaynu wada hadal ku dhamaysano, oo dadka loo tudho, dadkeenu horumar bay u baahan yihiin, ee xabad uma baahna,dadka dabka hurinaya waxaanu ugu baaqaynaa inay qaska iyo faragalinta naga dayaan, oo ay ixtiraaman bisha Ramadaan”.
Wasiir Sacad mar uu baaq u diraayey dadka Gobolka Sool ayaa yidhi “Arinkani arin la reereeyo maaha, Somaliland xad caalamiya ayey leedahay, xadkaas caalamiga ah reero badan baa ku nool, waliigoodna wey ku noolan jireen, laakiin dad leh ujeedooyin siyaasadeed ayaa doonaya inay reernimada u soo maraan,
Wasiir Sacad mar uu ka hadlaayey Puntland iyo Somaliya ayaa yidhi “Puntland iyo Somaliyaba waxaanu ugu baaqaynaa inay gardarada inaga joojiyaan, oo colaada iyo xumaanto wax aan kala fogaansho iyo xumaan ahayn ma keenayso, qof kasta oo dab huriya, dabku isaguun buu ku soo noqdaa, iyana uma baahna, inana uma baahnin, waxaanu ugu baaqaynaa Puntland iyo Somaliyaba inay joojiyaan abaabulka iyo muusanoowga ay wadaan, oo xabada joojiyaan, wixii tabasho ah ee jirina wada hadal ha ka bilaaban, ramadaantana xushmeeyaan, dadka soomana aanay bad galin”.
Haddalka Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maamulka Somaliland Sacad Cali Shire, ayaa kusoo beegmaaya iyadoo labada maamul ay Hawada isku marinayaan Hanjabaado adag oo sii hurinaaya colaada.Colaada ka dhaxaysa labada maamul Gobaleed.