Waxaa goordhaw soo dhamaatay wareegii ugu dambeeyay doorashada Gudoomiyaha golaha shacabka, waxaana ku guuleestay doorashada Musharax Maxamed Mursal Sheekh Cabdi raxmaan oo helay 147-cod
Musharax Ibraahim Isaaq Yarow oo tartan adag kula jiray Mursal ayaa isna helay 118 waxaana goordhaw Gudoonka golaha Shacabka si rasmi ah ugu dhawaaqeen in Maxamed Mursal ku guuleestay Doorashada.
Dad badan ayaa horey u saadaalinayay in Musharax Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan uu ku guuleesan doono doorashada, maadaama uu heestay taageerada inta badan Xildhibaanada wax dooranayay.
Dadka Siyaasada falanqeeya ayaa aaminsan in Maxamed Mursal Wasiirkii hore ee Gaashaandhiga uu yahay nin ay wada shaqeyn karaan Madaxda sare ee dowlada sida Madaxweynaha iyo Ra’isul Wasaaraha.