WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Somaliland Muuse Biixi oo loogu baaqay in uu deg deg isku casilo iyo Cabdiraxmaan Cirro oo hadalkii ugu adkaa jeediyey-Video

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee Waddani C/raxmaan Cirro ayaa ugu baaqay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi inuu is casilo, isagoo ku eedeeyay inuu dadka khiyaameeyay, isla markaana been u sheegay.

Waxaa uu soo hadal qaaday heshiiskii Dekeda Berbera oo ay Xukuumadda Somaliland sheegtay inay heshiis la gashay Imaaraadka, balse waxaa uu tilmaamay in arrintaas ay tahay mid dadka been loogu sheegay.

Guddoomiye Cirro ayaa ku eedeeyay in Madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed Siilaanyo uu yahay dambiile qaran oo hog madow ku riday Somaliland.

“Siilaanyo hog madow ku riday Somaliland, Muuse Biixina ciiduu ku sii rogay, waa inuu is casilaa Muuse Biixi, hadii kale maamuus ka xayuubin lagu sameeyaa”ayuu yiri Muuse Biixi.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

C/raxmaan Cirro ayaa sheegay in 8-dii sano ee ay Kulmiye talada hayeen ay dadka reer Somaliland khiyaameen, isla markaana been u sheegayeen.

Hadalkii shalay ka soo yeeray Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda Imaaraadka Carabta ayaa xiisad ka dhex dhaliyay Siyaasiyiinta Somaliland, isagoo sheegay in aanay aqoonsaneyn Somaliland, ayna ku laheyn wax safaarad iyo qunsuliyad, sidaas darteed heshiiskii Dekeda Berbera la galeen dowladdii hore

SOMALI NEWS

To Top