WARARKA SOOMAALI

Al-Shabaab oo sheegtay in 59 askari oo ka tirsan ciidamada AMISOM ku dileen Buulo Mareer-Akhriso

Ururka Al-Shabaab oo ka hadlay dagaal maanta ay ku qaadeen saldhigyo ay ciidamada AMISOM ku lahaayeen degmada Buulo Mareer ayaa waxa ay ku sheegeen inay ku dileen 59 askari oo ka tirsan ciidamada AMISOM.

Sida ay daabaceen warbaahinta taageerta Al-Shabaab afhayeenka ciidamada Al-Shabaab Sheekh Cabdi Caziiz Abuu Muscab ayaa sheegay in ay dileen tiro ka badan 59 askari oo u dhashay wadanka Uganda halka dagaalayahanadoodana ay ka dhinteen 14.

“59 Askari Yugaandheys ah ayaan ku dilnay weerarkii Buula Mareer 14 Mujaahidna waa naga shahiidday” ayuu yiri Abuu Muscab.

Afhayeenka ayaa intaa ku daray in ay weerareen illaa lix saldhig oo ay ciidamada AMISOM ku lahaayeen gobolka Sh/hoose gaar ahaan kuwa Uganda.

Weeraradan ayaa waxa ay ka dhaceen Buulo Mareer,Golweyn,Danow,Marin Gubaay iyo Qoryooley hase yeeshee illaa iyo hadda ma jiro wax war rasmi ah oo ka soo baxay ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladaba.

Dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa ku xooggan deegaano ka tirsan gobolka Sh/hoose waxaana weerarka ay maanta qaadeen ku soo beegmayaa xilli toddobaadyadii la soo dhaafay ay dowlada federalka Soomaaliya ay sheegtay in ay dhamaystirtay qorshe lagu weerarayo deegaanada ay ku sugan yihiin Al-Shabaab.

SOMALI NEWS

To Top