Madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi ayaa sheegay in maamulkiisu uusan ka qeybgalayn shir lagu waday in 29ka bishan uu dhex maro dowlada federalka Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland.
Qudbad uu u jeediyay labada gole ee Guurtida iyo Golaha Wakiilada ayuu Madaxweyne Biixi ku sheegay in dowlada Federalka ay weerar ku soo qaaday maamulkiisu balse ma cadeyn weerarkaas waxa uu yahay.
Balse waxaa jirta khilaaf u dhexeeya dowlada federalka iyo maamulka Somaliland kaas oo ku saabsan heshiiska shirkada DP World ee dekeda Berbera.
HALKAN KA DAAWO VIDEO
Madaxweynaha Maamulka Somaliland Muuse Biixi ayaa qudbadiisa sidoo kale waxa uu ku weeraray xisbiga Wadani iyo xisbiga Ucid isagoo ku gacan seyrey codsi uu xisbiga Wadani u gudbiyay madaxweynaha ee ah in la kala diro guddiga doorashooyinka madaxa banaan ee Somaliland.
Madaxweyne Biixi oo ka hadlayay arrimaha dhaqaalaha ayaa sheegay in xukuumadiisu ay ka go’an tahay inay kordhiso dhaqaalaha waxana uu xusay in hal maalin ay ka dhiman tahay xilligii loo qabtay in maamulka Somaliland laga isticmaalo lacagaha mobaylada la isugu diro.