Dagnaansho aaan cago badan ku taagneyn ayaa Saakay laga soo sheegayaa magaalada Baladxaawo ee Gobolka Geddo.
Magaalada Baladxaawo ayaa mudooyinkii ugu danbeeyey waxaa ka taagnaa oo xiisad ka dhalatay darbiga ay kenya ka dhisaneyso meel aan ahayn xuduudii rasmiga ahayd ee ay Soomaaliya la wadaagto.
Dibad bax ku saabsan gidaarkaasi ayaa shalay ka dhacay Magaalada Baladxaawo,waxana dadka dagan ee soomaaliyeed ay ka dhiidhiyeen in ay kenya u ogolaadaan in ay qaadato taako ka mid ah dhulka Soomaaliyeed.