WARARKA SOOMAALI

Dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamo imaaraadka ka amar qaata iyo kuwa Nabad Sugidda Soomaaliya oo ka socda Degmadda Hodan ee Muqdisho

Is rasaaseyn culus ayaa waxaa ay muddo ku dhex mareysa xaafado ka tirsan degmada Hodan Ciidamo ka tirsan Nabadsugida iyo Ciidamada uu tababaray Imaaraadka Carabta, iyadoo la sheegayo in khasaare kala duwan uu ka dhashay.

Iska hor imaadka ayaa is qabsaday Tarabuunka ilala Taleex, waxaana Ciidamada NISA laga soo saaray bar koontaroolo ay ku lahaayeen aaggaas.

Wararka ayaa sheegaya in iska hor imaadka ay ka qeyb qaadanayaan qoryaha ku rakiban gaadiidka dagaalka, waxaana xaalad iyo kala carar ay ka abuurtay xaafado ka fog halka uu iska hor imaadka ka dhacayo.

Lama oga waxa uu salka ku haayo iska hor imaadka u dhaxeeya labada ciidan, hase ahaatee waxaa muddooyinkii u dambeeyay ku soo badanayay magaalada Muqdisho iska hor imaadyada dhex mara Ciidamada dowladda dhexdooda.

Is rasaaseynta culus ee ka socota degmada Hodan ayaa ku soo beegmeysa, iyadoo Madaxweyne Farmaajo uu todobaadkii labaad ku hoyanayo xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga oo aan sidaa uga fogeyn halka lagu dagaalamayo.

SOMALI NEWS

To Top