Sida ku qoran Qodobka 65aad ee dastuurka, faqrada 4aad, guddoomiyaha iyo ku-xigeennadiisa waxaa codayn qarsoodi ah ku doorta aqlabiyadda tirada guud ee xubnaha golaha shacabka ee federaalka ah, xilkana kaga qaada codbixinta saddex dalool laba dalool xubnaha golaha shacabka federaalka ah.
Qaabkan, waxaa ay ka duwan tahay xukuumadda, oo qodobka 69aad, faqrada (d) iyo (e) ayaa qeexaya qaabka loo maro meel-marinta iyo ceyrintaba, tusaale ahaan faqrada(d): Inuu Ra’iisul Wasaaraha, xubnaha Golaha Wasiirrada iyo barnaamijika xukumadda kalsooni ku siiyo codayn gacan-taag ah ee aqlabiyadda tirada guud ee Golaha Shacabka 50% +1, iyo faqrada (e) Inuu cod aqlabiyadda tirada guud ee Golaha Shacabka 50% +1 oo gacan-taag ah kalsoonida Golaha Shacabka ugala noqdo Ra’iisul-Wasaaraha iyo ku-xigeenka/kuxigeennada Ra’iisul-Wasaaraha.
Si loo sii adkeeyo nooca codeynta golaha shacabka, qodobka 5-aad ee xeer-hoosaadka waxaa ku xusan, Qaabka loo dooranayo guddoomiyaha golaha iyo labadiisa ku-xigeen, waxaana la adkeeyay shuruudda ku qoran qodobadka 65aad ee dastuurka, oo ah cod qarsoodi ah.
Dhinaca kale, sida aan ku arki-doontaan noocyada cod-bixinta golaha, waxaa jirta mar haddii ay timaado duruuf gaar ah ay xildhibaannadu soo jeedin karaan cod gacan taag ah in loo bedelo qarsoodi, markaas oo loo baahanayo 20 Xildhibaan, qodobkan xeer-hoosaadka laguma darin in cod qarsoodi ah, loo badalo gacan taag.
Hadaba, Halkan Ka Akhriso, Xeer-hoosaadka Golaha Shacabka Iyo Noocyada Codeynta
Cod bixinta waxay u dhaceysaa siyaabaha soo socda:
- Gacan taag
- Cod qarsoodi ah
- Cod-bixin qoraal ah magac u yeerid.
Cod bixinta qarsoodiga ah waxaa loo sameynayaa sida soo socota:
- Guddoomiyaha Golaha waa in uu diyaariyaa sanduuqa cod bixinta
- Guddoomiyaha Golaha waa in uu sharaxaa habraaca codeeynta.
- Guddoomiyaha Golaha waa inuu amraa yeerista magacyada xubnaha iyo u qeybinta xubnaha xaashida lagu codeeyo.
- Guddoomiyaha waa inuu xaqiijiyaa xubnaha codeeyay , kuwa ka aamusay iyo kuwa xumaaday , ka dibna ku dhawaaqaa Natiijada codbixinta.
Cod-bixin qoraal ah (magac u yeerid), waxaa la qabanayaa markuu guddoomiyaha ama ugu yaraan 10 xubnood sidaas codsadaan, goluhuna go’aankaa qaato. Marka la qaadayo cod-bixin qoraal ah magac u yeerid, xubin kasta oo codeysa magaceeda hosrtiisa ayaa lagu qorayaa codkeeda haa/ maya ama maqnaashaheeda waana in lagu hor qoraa magaciisa/ magaceeda oo buuxa.
Haddii ay timaado duruuf gaar ah, waxey xildhibaannadu soo jeedin karaan cod gacan taag ah in loo bedelo qarsoodi. Soo jeedinta waxaa keeni kara ugu yaraan (20) Xubnood oo golaha shacabka ah.
Sharci ahaan haddii codeynta Mooshin la hor keenay Golaha ay barbar dhac noqoto, mooshinkas ma meel marayo. Haddii cod bixinta ay gacan tag tahay, guddoomiyaha ayaa codeynayo si uu u kala saaro labada dhinac markay is barbar dhac noqdaan.
Marka laga reebo cod-bixinnada qarsoodiga ah iyo cod bixin magac u yeerid ah oo Goluhu ogolaaday sida ku qeexan Dastuurka ama xeer-hoosaadkan dhammaan cod-bixinnada kale ee caadiga ah waaa gacan tag, loona tiriyaa safba mar.
Xubnaha jooga fadhiga balse aan ka qeyb qaadan cod-bixinta waxaa loo xisaabinayaa sida codadka xubnaha aamusay oo kale.
Inta looga dhawaaqayo natiijada cod-bixint, xubin golaha ka tirsan looma ogola in ay hadal u jeedisa Golaha.
Haddii la ogaado in ay jiraan khalad ku yimid cod-bixinta qarsoodiga ah ama codadka la riday aya ka badan yihiin tirada xubnaha jooga , guddoomiyaha wuxuu burinayaa natiijada cod-bixinta wuxuuna isla markiiba qabanayaa cod-bixin kaloo cusub . natiijada cod-bixin kasta waxaa ku dhawaaqaya guddoomiyaha Golaha isaga oo sheegaya tirada codadka ogolaaday ama diiday iyo codadka hallaabay.
Axaddii, guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa aqbalay in aqalka sida ugu dhaqsaha badan uu ugu qaado codka kalsoonida kadib markii Mooshin laga gudbiyay, arrintan waxaa ay keentay khilaaf iyo xasilooni-darro siyaasadeed oo u dhaxeysa xukuumadda iyo golaha shacabka, qaabkan loogu codeynayo xil ka qaadista guddoomiyaha waxaa ay ka mid tahay hadal-heynta taagan.