Labo Ruux oo kamid ah 16 shaqaale ayaa ku dhaawacmay dooni maantay ku gubatay meel u dhow Dekeda Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobalka Bari.
Dhaawaca labadaan Ruux ayaa la geeyey Isbitaalka Guud ee Magaalada Boosaaso si loola tacaalo xaaladooda sida uu warbaahinta u sheegay Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Dekadaha Puntland.
Doonta ayaa sidookale waxaa ku gubtay dhamaan hantidii saarnayd soo isugu jirtay Bagaash,Gawaari,Shidaal Gaaska cuntada iyo Badeecooyin kale sida uu sheegay Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Dekadaha Puntland.
HALKAN KA DAAWO VIDEO
Wasiir ku-xigeenka wasaaradda dekedaha iyo gaadiidka dowladda Puntland Cabdirisaaq Nuur Cumar oo maanta warbaahinta kula hadlay dekedda Boosaaso ayaa shaaciyey in doonidaasi ay u rarnayd ganacsato reer Puntland ah, kana soo shiraacatay dalka Imaaraadka Carabta.
Wasiir Cabdirisaaq ayaa tilmaamay in doonida ay cilladi ka soo wajahday dhanka matoorka ugu dambayntiina uu dabku gaarey qaybaha kale, waxaana uu sheegay inay ku dhaawacmeen labo kamid ah shaqaalihii saarnaa oo lagu dawaynayo xarumaha caafimaadka.