Shirka Golaha Amniga Qaranka ayaa maanta la filayaa inuu ka furmo magaalada Muqdisho, kaasoo ay ka qeyb galayaan Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada.
Madaxweyne Farmaajo oo ah Guddoomiyaha Guddiga Ammaanka Qaranka ayaa shir guddoomin doona shirka, iyadoo waxyaabaha looga hadli doono ay qeyb ka tahay arrimaha ammaanka, dhismaha ciidamada qaran iyo qodobo kale.
Ilo ku dhow dhow Madaxtooyada ayaa sheegaya in sidoo kale shirka diiradda lagu saari doono waxyaabihii ka qabsoomay shirarkii hore.
Shirka ayaa la filayaa in lagu soo bandhigayo warbixin ku saabsan amniga qaranka, qorshaha lagu tayeynayo ciidamada qalabka sida.
Madaxda dowlad goboleedyada ayaa wali soo dhameystirmin, waxaa shalay soo gaaray Muqdisho Madaxweynaha Puntland C/wali Gaas, halka Madaxweynaha Galmudug uu horay ugu sugnaa, waxaa maanta la filayaa inay yimaadaan Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Koofur Galbeed.