WARARKA SOOMAALI

Dhaq dhaqaaqyo ciidan oo Saaka laga dareemayo Deegaanka Tukaraq,Puntland iyo Somaliland

Wararka saaka aan ka  helayno Deegaanadii Xiisadu ka taagenayd ee Gobolka Sool ayaa sheegaya inuu xoogeystay dhaq dhaqaaqyada ciidan ee ka jira gobolka, kaddib markii Ciidamo ka kala tirsan Somaliland iyo Puntland ay gaareen deegaano ka tirsan Sool.

Isku day la doonayay in lagu qaboojiyo xiisada labada dhinac u dhaxeysa ayaa guuldareystay, iyadoo saacadihii la soo dhaafay ciidamo dheeraad ah ay labada dhinac geeyeen aagga la isku horfadhiyo.

Ciidamo ka tirsan Maamulka Puntland oo gaadiidka dagaal ku hubeysan ayaa gaaray deegaano ka mid ah Sool, sida deegaanka Holhol, halkaasoo la sheegay inay kulamo kula qaateen dadka deegaanka.

Sidoo kale Ciidamo ka tirsan Maamulka Somaliland ayaa xoojiyay difaacyada iyo dhufeysyada ay ka sameysteen meel ka baxsan deegaanka Tukaraq, waxaana deegaanka ka jira xaalad dagaal.

Dadkii ku noolaa deegaanada ay ka jiraan xiisadaha dagaal iyo abaabulka ciidan ayaa la soo sheegayaa inay ka barakaceen, iyagoo ka cabsi qaba in lagu dul dagaalamo.

SOMALI NEWS

To Top