WARARKA SOOMAALI

Ciidamo fara badan oo la wareegay amaanka guud ee G.Banaadir iyo Xaaladda Saaka Muqdisho..

Ciidamo ka tirsan Dowlada Soomaaliya ayaa la wareegay Goordhow Guud ahaan Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir ee Aqalka Dowlada Hoose ee Xamar (Visha Governo).

Mas`uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir oo Warbaahinta la hadlay ayaa xaqiijiyay xarunta Aqalka hoose ay la wareegeen ciidamada Dowlada, waxaana xeran Xafiisyadii iyo howlihii guud ee ka socday cxarunta Gobolka.

Xaruntan ayaa waxaa ilaaliya Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya, kuwaaa oo si sharciyeesan halkaasi kaga howlgalay tan iyo Markii Maamulka Gobolka gacanta ku dhigay Gudoomiye Taabid Cabdi oo ugu Danbayn Saaka Xilka Laga Qaaday

Arintan ayaa daba socota Khilaafka udhexeeyey Madaxda Dowladda iyo Duqa Muqdiisho taasoo keentay in Duqa Muqisho loo doortay laba Sano oo danbe Gudoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Duqa Caasimada.

SOMALI NEWS

To Top