WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Madaxweyne Farmaajo oo gaadhay magaalada Gaalkacayo iyo Soo dhaweyn balaadhan-Video

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa galabta gaaray magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug, halkaasoo si weyn loogu soo dhoweeyay.

Wafdiga Madaxweynaha oo ka soo kicitimay magaalada Boosaaso ayaa la filayaa inay caawa ku hoydaan magaalada Gaalkacyo.

Waxaa soo dhoweeyay Madaxweynaha Galmudug, Wasiirka Arrimaha Gudaha, iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Maaamulka Gobolka Mudug ee labada dhinac.

HALKAN KA DAWO VIDEO

Madaxweyne Farmaajo ayaa shacabka Gaalkacyo kula hadli doona Fagaaraha Kamaaludiin, halkaasoo boqolaal shacab isugu soo baxeen.

Madaxweynaha ayaa lagu wadaa inuu uga gudbo Gaalkacyo, deegaanada kale ee Galmudug, sida Cadaado, Caabudwaaq, Dhuusa Mareeb iyo Guriceel.

SOMALI NEWS

To Top