Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya oo booqasho ku maraya Qaybo kamid ah dalka , ayaa maanta soo gaadhay xarunta gamacsiga ee Bosaso oo si weyn loogu soo dhaweey wefdiga Madaxweynaha Soomaaliya.
HALKAN KA DAAWO VIDEO
Bulshada qeyabheeda kale duwan oo gacmaha ku sida calanka Soomaaliya iyo kan Puntland ,isla markaana taagan hareeraha waddooyinka magaalada iyo mas’uuliyiin ka tirsan Puntland ayaa Madaxwynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo wafdigiisa si heer sare ah ugu soo dhoweeyay magaalada Bosaso.
Madaxwaynaha ayaa goob Fagaare ah kula hadlay Kumaanan kamid ah Shacabka ku dhaqan magaalada Boosaso ee Xarunta Gobolka Bari.