Wararkii ugu Danbeeyey ee Shabada Wararka Horufadhi.com ka Helayso Deegaanka Tukaraq ee Gobolkaasi Sool ayaa Ku soo Waramaya in Wali Halkaasi ay Isku Horfadhiyaan Ciidamo Kala Taabansan Maamulka Puntland iyo Kuwa Somaliland oo Maanta Deegaankaasi Ku Dagaalamay.
Warku Waxaa uu intaasi Ku Daraya in Ciidanka Puntland ay haatan Fadhisin Cusub Ka samaysteen Deegaanka God Qaboobe ee Waxaana Ciidamada Puntland haatan isu Diyaarinayaa inay dib uga Wareegaan Gacan Ku hayta Magaalada Tukaraq ee Gobolkaasi Sool oo Maanta Laga Qabsaday Puntland.
Deegaankaasi Tukaraq oo ah Deegaan ay Leedahay Beesha Dhulbahante ayaa Haatan Waxaa Ku Muransan Labadaasi Maamulka ee Garowe iyo Hargaysa” Waxaana Meesha Ka Baxay Maamulkii Khaatumo oo Beesha Dhulbahante Dhistay oo Haatan Wadahadal Kula Jira Maamulka Somaliland.