Xildhibaan Baar Siciid oo kamid ah Xubnaha Golaha wakiilada maamulka Somaliland ayaa bogaadisay safarkii dhawaan wasiirka qorshaynta Dowladda Soomaaliya ku yimid qeybo kamid ah sool iyo sanaag.
Baar waxaa ay Sheegtay in jamaal yimid deegaankiisa islamarkaana wax dhibaato ah aysan ku jirin nin yimid aqalkiisana uu ahaa islamarkaana ay bogaadinaso in uu shacabkaasi reer sanaag kala qeyb qaato baahiyaha kala duwan.
HALKAN KA DAAWO VIDEO
Hadalka xildhibaan Baar Siciid ayaa ku soo beegmaya xili mudooyinkan xubno badan oo maamulka somaliland kamid ah ay hadalo cadho ah ka jeedinaayen safarka wasiirka isla markaana ay dhaliilayeen qaabka uusan Muuse Biixi uga jawaabin Safarka wasiirka ka socda Dowladda Soomaaliya.