WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Maxay ka dhigan tahay soo wareejinta Maamulka Hawadda Soomaaliya 27 sano kadib-Warbixin+Video

Dowladdii dhexe ee Soomaaliya markii ay meesha ka baxday Dalka Somaaliya waxaa uu galay burbur xoogan iyo Dagaalo sokeeye is daba jooga ah Waxaana meesha ka baxay Hanaankii Dowladnimo iyo Kala dambeyntii.
Dal walba oo dunida ku yaalla marka uu burburo qalalaase iyo colaado sokeeye ay ragaadiyaana waxaa raaca oo la burbura isla markaana Meesha ka baxa dhamaan kaaba yaasha nololeed ee Bulshadu u baahneyd.
Waxaa qaxa oo dalka isaga carara dhamaan Noloha Nugusha ah Dad iyo duunyaba iyaga oo Raadinaya meel ay kula baxsadaan Naftooda kana helaan Nolol dhaanta tan caqabada noqotay.
Hawaddu waxay kamid tahay meelaha ugu muhiimsan ee Dal kasta laga maamulo isla markaana lagala socdo xaaladiisa sidoo kalena waa ilo dhaqaalle iyo mid qaranimo oo muhiim u ah dal kasta oo dunida ku yaalla.
Burburkii markuu dhacay Soomaaliya waxaa ay awood u yeelan wayday in ay Maamusho Hawadeeda intaasi kadibna waxaa qasab noqotay in loo maamulo waxaana ay ku wareegtay gacanta Hay,adda Qaramadda Midoobay u qaabilsan Duulista iyo Hawadda ee Akaawa. oo xarunteedu tahay Dalka Kenya. Taas oo gacanta ku haysay 25 sano ee lasoo dhaafay.

10 kii September 2012 kii Soomaaliya waxaa ay yeelatay Dowlad Rasmi waxaana Madaxweyne loo doortay loo doortay Xasan Shiikh Maxamuud Waxaana uu xilka kala wareegay Madaxweynihii isaga ka horeeyay Shiriif Shiikh Axmed oo isagu meel wanaagsan soo gaadhsiiyey geedi socodka Hanaanka Dowladnimo ee Soomaaliya.

intaas kadib waxaa bilowday in Soomaaliya ay awood u leedahay isla markaana dalban karto in ay soo ceshato kaabayaasheeda Muuhiimka ah ay Hawaddu ka mid tahay.
in kasta oo aysan si buuxda ugu guulaysan. Dowladii uu Hoggaaminayey Xasan Shiikh iyo Xukuumadiisu hadana waxaa ay dadaal dheer u galeen sidii ay Hawadda Soomaaliya ugu soo celin lahaayeen gacmaha Soomaalida isla markaana dalka looga maamuli lahaa.
Bishii February 8-deedii , 2017 Soomaaliya waxaa ay yeelatay Madaxweynihii labaad oo aan ku meel gaadh ahayn burburkii kadib,waxaana loo doortay Maxamed Cabdilaahi Farmaajo.

Madaxweyne Farmaajo iyo Xukuumadiisa uu gadh wadeenka ka yahay Ra,iisul wasaare Xasan Cali Khayre.waxaa ay sii laba jibaareen isla markaana meesha kasii amba qaadeen Dadaaladii lagu raadinayey in Soomaaliya ay Hawadeeda dib ula soo noqoto.
Wasiirka Gaadiidka Duulista iyo Hawadda Soomaaliya Maxamed Salaad (Oomaar) ayaa marar badan sheegay Dadaalka ay Dowladda Soomaaliya ay ugu jirto in ay Hawadeeda la soo wareegto.

Dadaalkii dheeraa iyo Juhdiigii ay bixisay Dowladda Soomaaliya waxaa uu noqday Mid Guulaystay.Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo ayaa 28-kii Beshan 27 Sano kadib Munaasibad ka dhacday Garoonka Aadan Cadde Xadhiga kaga jaray Maamulka Hawadda Soomaaliya.

Haddaba maxay ka dhigan tahay in Soomaaliya mudo gaadhaysa 27 sano kadib ay la soo wareegto Maamulka Hawadeeda isla markaana Dalka laga maamulo?.
Cali Axmed Jaamac Jangali waa Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya sidoo kalana waa wasiirkii Hore ee gaadiidka Duulista iyo Hawada Soomaaliya waxaan waydiiyey Su,aashan.

Dhanka ka kale shacabka magaalada Muqdisho ayaa talaabadan ay qaaday Dowladda Soomaaliya waxaa ay u arkaan guul weyn oo usoo hoyatay Guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.

Dib usoo celinta Maamulka Hawadda ee Soomaaliya waxay kor u qaadi doontaa ilaha dhaqaale ee uu dalku leeyahay.in ka badan 200 oo Diyaaradood ayaa isticmaala maalin kasta Hawada Soomaaliya mana aysan jirin cid kala xisaabtanta dhaqaalaha kasoo xarooda.sidoo kalena ma aysan jirin cid ogaan kartay Diyaarada Soo galaysa hawada Dalka Soomaaliya iyo Diyaarada ka baxaysa toona balse hada sidaas waa ay ka duwanaan doontaa.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

SOMALI NEWS

To Top