Muuse Biixi Cabdi Madaxwaynaha Cusub ee Somaliland oo maanta ka hadlayey magaalada Hargeisa ayaa sheegay in Isaga iyo Cali Khaliif Galaydh oo wada Socda ay soo Xidhi doonaan Xadka Dhinaca Bariga, Siduu hadalka u dhigay.“Xadka Halka ugu shishaysa ee Bariga ayaanu tegi doonaa, Anaga oo Cali Khaliif na Hogaaminayo” Ayuu yidhi Muuse.
HALKAN KA DAAWO VIDEO
Dhinaca kale wuxuu ka hadlay Taariikhdii SNM, isagoo sheegay in dadkii la dagaalamay SNM ee kasoo jeeday Gobolada Sool iyo Awdal ay Saxnaayeen, Isalmarkaana SNM loogu sheegay inay tahay Cadow Dhulkooda ku socday, Sidoo kale kahadlay Daraawiishtii iyo Ururo kala duwan oo Gobolada Waqooyi Soo maray.