WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Siilaanyo oo ka Guuraya Aqalkii uu Sanado badan ka talin jiray iyo Muuse Biixi oo kala wareegaya-Video+Warbixin

Diyaargarowga Munaasibadda xil wareejinta iyo dhaarinta Madaxweynaha cusub ee Maamulka Somaliland ayaa ka socota Magaalada Hargeysa ee Xarunta Maamulka Somaliland.

Wasiirka Arrimaha dibadda Maamulka Somaliland Sacad Cali Shire oo ka mid ah Guddiga qaban qaabada xil wareejinta ayaa sheegay in Dad ka badan 1,500 Qof ay ka qeybgeli doonaan munaasibadda maalinta berri ah lagu dhaarinayo madaxweynaha cusub ee Somaliland.

Muuse Biixi ayaa kusoo baxay Doorasho lagu murmay Natiijadeeda walow markii dambe ay u tanaasuleen Xisbiyadii la tartamayey.

Sacad ayaa sheegay in maalinta Berri oo Arbaco ah ay dhici doonto xil wareejinta islamarkaan madaxweynaha xafiiska ka tagaya uu la wareejinayo dhamaan Dukumiintiyada Maamulka ee gacantiisa ku jira.

Maamulka Somaliland ayey doorashada madaxtinimada ka qabsoontay 13kii November ee Bishii la soo dhaafay waxaan 30 Cisho kaddib talada la wareegaya Madaxweynaha la doortay ee Maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

 

SOMALI NEWS

To Top