WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Shirkadda Dahabshiil oo dib u dhis iyo Dayactir ku sameysay Qaybta Bukaanka ee Isbitaalka Midiina-Video-Sawiro

Waxaa maalintii shalay aheyd xarigga laga jaray qeybta Baxnaanada Bukaanka Isbitaal Madiina ee magaalada Muqdisho oo ay dhowaan dib dhiskeeda maalgelisay Shirkadda Dahabshiil Group.

Munaasabadda xariga looga jaray qeybta Baxnaanada Bukaanka ee Isbitaalka Madiina ayaa waxaa ka qeyb galay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Taabid Cabdi Maxamed, Guddoomiyaha Shirkadda Dahabshiil Group ee Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya, Maamulada Isbitaalka Madiina Dr. Mohamed Yuusuf iyo Mas’uuliyiin kale.

Dayactirka Shirkadda Dahabshiil Group ku sameysay dib u dhiska qeybtan ayaa ka dambeeyay kaddib musiibadii Qaraxii 14-kii bishii Ocrober ka dhacay Isgoyska Zoobe, iyadoo isbitaalka Madiina uu ahaa halkii ugu badnaa ee la geeyay dhaawacyadii ka dhashay qaraxaas.

Shirkadda Dahabshiil ayaa si degdeg uga jawaabtay codsi iyo baahi degdeg oo ka timid Isbitaalka Madiina, waxayna durbaba qaadatay go’aan dayactir iyo dib dhis loogu sameynayo qeybta baxnaanada, iyadoo muddo gaaban ay ku fulisay dib u dhiskii iyo qalabeyntii qeybta baxnaanada bukaan jiifka Isbitaalka.

Sidoo kale Shirkadda Dahabshiil ayaa qeybta cusub ee ay dayactirtay dhigtay illaa 35 sariirood oo casri ah oo loogu tala galay in lagu daryeelo bukaanadda la dhigayo.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Maamulka Shirkadda Dahabshiil Group  ayaa balan qaaday inay dib u dhisayso bangigii dhiiga, isla markaana u qalabeynayso sida ugu dhakhsiyaha, taasoo hore shirkadda dahabshiil u go’aansatay in ay maalgeliso.

Ma ahan markii u horeysay ee Shirkadda Dahabshiil ay gacan ka geysato caawimaada Isbitaalka, waxaa ay shirkadda horay dib u dhis ugu sameystay Qeybta Dhallaanka (Maternity Ward), Sidoo kale Shirkadda ayaa horay uga qeyb qaadatay gurmadka iyo taageerida shacabka Soomaaliyeed ee dhibaatooyinka la soo gudboonaaday.

Sawiro

 

SOMALI NEWS

To Top