WARARKA SOOMAALI

Maamul Gobaleedyadda oo amar culus kusoo rogay Dowladda Soomaaliya iyo Cabdweli Gaas oo Saxeexay…

Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada ayaa soo saaray qoraal ay ku dalbanayaan in la hakiyo ansixinta Hindise sharciyeedka Xukuumadda ay horgeysay Baarlamaanka, iyagoo ku baaqay in wada hadal laga sameeyo hindise sharciyeedka ka hor inta aan la ansixin.

Warqad ka soo baxay Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada oo uu ku saxiixnaa Guddoomiyaha Golaha ahna Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa ku taariikheysneyd 14-kii bishan.

Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada ayaa sheegay in xilligan ay jiraan Hindise sharciyeedyo aan lagala tashan, kuwaasoo horyaala Golaha shacabka, halka qaarkood la ansixiyay, kaasoo ugu dambeeyay Hindise sharciyeedka Biyaha.

Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada ayaa ka codsaday Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka oo ku matala dowladda Federaalka in la joojiyo dhamaan Hindise sharciyeedyada ay soo gudbineyso Xukuumadda ka doodistooda iyo ansixintooda, inta Xukuumadda ka fulineyso qodob ka mid ahaa heshiiskii 5-tii bishan dhex maray dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada, kaasoo ahaa inta aan la horgeyn Golayaasha Baarlamaanka in lagala tashado maamul goboleedyada, si aysan caqabad ugu imaan dhaqan gelintooda.

SOMALI NEWS

To Top