WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Qaabkii Ra’iisul Khayre loogu soo dhaweeyay Baydhabo iyo Shiriif Xasan oo Gobanimo muujiyey+Shirka Golaha Wasiiradda-Video

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa soo  gaadhay magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee Maamulka Koofur Galbeed.

Wafdiga Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Baydhabo ku soo dhoweeyay Madaxweynaha Koofur Galbeed Shariif Xasan iyo Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Koofur Galbeed.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa loo galbiyay xarunta Madaxtooyada Koofur Galbeed, waxaana halkaas kulamo kula leeyihiin Mas’uuliyiinta Koofur Galbeed.

Safarka Ra’iisul Wasaaraha ayaa la xiriira shirka Golaha Wasiirada oo maalinta berri ka dhici doona magaalada Baydhabo.

Shirkan ayaa noqonaya kii labaad oo ka dhaca meel ka baxsan Muqdisho, waxaana shirkii u horeeyay bilo ka hor Golaha Wasiirada Soomaaliya ku yeesheen magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee Jubbaland.

SOMALI NEWS

To Top