WARARKA SOOMAALI

Daawo:Xisbiga Wadani oo mar kale isaga baxay Doorashada Mamulka Somaliland iyo Fadeexooyin waa weyn oo hadheeyay Doorashada-Video

Xisbiga Mucaaridka Ah Ee Waddani Oo Mar Kale Muraaqibiintiisii Kala Baxay Xarunta Guddida Doorashada ee maamulka Somaliland iyo sababta keentay.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

Xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ayaa mar kale muraaqibiintiisii kala baxay xarunta guddida Doorashada ee ay Ka socotay tirinta qaar ka mid ah codadkii laga dhiibtay gobolada dalka ee doorashadii madaxtooyada.

Wararka soo gaadhaya warbaahinta ayaa sheegaya in go’aanka xisbiga Waddani uu kula baxay muraaqibiintiisa uu ka dhashay codsi ka yimid masuuliyiinta xisbigaas, kuwaas oo dalbaday in codadkii laga dhiibtay guud ahaan gobolada somaliland dib loogu tiriyo inta u dhaxaysa 20% ilaa 30%, taas oo guddida doorashaduna ku gacan saydhay.

Doorashada Maamulka Somaliland ayaa maraysa meeshii ugu xasaasi saneyd waxaana aad looga cabsi qabaa in lagu murmo Natiijada halkaasna uu ka dhasho dagaal dhiig badan ku daato oo dhex mara Beelaha ku hardamaya Doorashada Maamulkaas.

 

SOMALI NEWS

To Top