Ciidamo lagu qiyaasay ilaa iyo kun askari oo wata ilaa iyo 30 gaari oo Ethiopian ah ay shalay iyo maanta ka soo gudbeen xuduuda Somalia ee Doolow ee Gobolka Gedo, waxaana la sheegay inay ka caawin doonaan ciidamada Soomaaliya duulaan cusub oo uu ku baaqay Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo ka dhan ah al-Shabaab, kadib qaraxii ay dadka badan ku dhinteen ee 14-kii October ka dhacay Muqdisho.
HALKAN RIIX DAAWO VIDEO
Ciidamo Ethiopian ah ayaa horey joogay gobolka, isla markaana waxaa socdo abaabulka duulaan xooggan oo ka dhan ah al-Shabaab.
Ethiopia ayaa waxaa Soomaaliya ka jooga ciidamo qeyb ka ah kuwa AMISOM, bishii October ee sanadkii tagayna ciidamo badan oo aan qeyb ka aheyn howlgalka oo Ethioopia ka joogay Soomaaliya aya baaneeyay saldhigo badan oo ay koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya kaga sugnaayeen.