WARARKA SOOMAALI

Daawo:Boqorka Sucuudiga oo Dhambaal Khaldan usoo diray Madaxweyne Farmaajo iyo Xasuustii Kacaanka oo Maankooda ka go,in-Video

Boqorka Sacuudiga Carabiya Salmaan Bin C/casiis ayaa u soo direy dhambaal hambalyo ah Madaxweyne Farmaajo taasoo lagu sheegay in loogu hambalyeynayo munaasabadda maalinta Qaranka Somalia iyadoo ay maanta taariiqdu tahay 21-ka Oktoobar.

Sidoo kale, Dhaxal-sugaha Boqortooyada, ahna Ra’iisul-wasaare-xigeenka iyo Wasiirka Difaaca ee Sacuudiga, Maxamed Bin Salmaan Bin C/casiis waxa uu isagana khadka taleefoonka kula soo xiriiray Madaxweyne Farmaajo oo uu ugu hambalyeeyey waxa uu ugu yeeray Munaasabadda Maalinta Qaranimadda Somalia.

Warbaahinta Sacuudiga ayaa baahisay dhambaalada ay madaxda Boqortoyada Sacudi Carabiya u soo direeen Madaxweynaha DFS, Maxamed C/llaahi Farmaajo. Hase yeeshee dhambaaladan ayaan lagu soo beegin munaasabada maalinta qaranimadda Somalia oo ah 1-da Luulyo.

Ma aha markii ugu horeysay oo ay boqortooyada Sacudi Carabiya ay dhambaalo qaldan u soo diraan madaxda Soomaaliya, sanadkii hore ayaa sidan oo kale boqorka Sacudi Carabiya waxa uu dhambaal u soo direy Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

21-ka Oktoobar aayaa ahayd Maalintii Dawladdii  Kacaanka,  waxaana weli dalka Sucuudigu uu maanka ku hayaa Maalintaasi oo siwayn looga Xusi Jiray Soomaaliya.

SOMALI NEWS

To Top