WARARKA SOOMAALI

Daawo:Madaxweynaha Jabuuti oo si adag uga hadlay Qaraxii Muqdisho iyo doorka ay ka qaadatay Dowladda Jabuuti-Video

Madaxweynaha dalka Djibouti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ka hadlay Qaraxii musiibada ahaa ee Zoobe,  Wuxuuna sheegay in markii la’eego tanka Qaraxaasi uu ahaa mid culus, isla markaana uu dareemaayo in maleeshiyaadka Alshabaab ay u fuliyeen ciil ku uruuray aawgii.

Madaxweyne Geelle waxa uu tilmaamay inuusan arag misna maqal Qarax lamid ah kan ka dhacay Isgooyska Zoobe ee magaalada Muqdisho, waxa uuna ku sifeeyay mid ay Shabaabka ku goconeyso khasaarihii kasoo gaaray weeraradii lagu qaaday saldhigyadooda.

Waxa uu Geelle sheegay in markii ay Shabaabku arkeen inay guul darro soo wajahday, ay bilaabeen inaysan ayaguna waxba reeban, si ay niyadda uga dilaan shacabka Somaliyeed, ee rajada dowladnimada u soo iftiintay, sida uu hadalka u dhigay.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

Geelle ayaa cadeeyay in maleeshiyaadka Alshabaab aysan ka fiirsan Qaraxaasi, waxa uuna sabab ka dhigay gumaadka loo geystay carruur, ciroole iyo dhalinba, Wuxuuna sheegay inuu fashilmay weerarka Alshabaab, kadib markii ay ku xasuuqeen dad shacab oo aan waxba galabsan

Ismaaciil Cumar Geelle, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, ayaa xusay inay aad uga xanuunsadeen dhibaatadii ku dhacday shacabka reer Muqdisho, adduunkana aanay ka dhicin dhibaatadaasi oo kale.

SOMALI NEWS

To Top