Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobey ayaa markii u horeysay ka hadlay lacagta xubinimada Qaramada Midoobey ee lagu leeyahay Soomaaliya oo ah qaaraanka dal walba laga rabo inuu bixiyo, si uu cod ugu yeesho shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobey.
Qoraal ka soo baxay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Antonio Guterres ayaa sheegay in afar dal oo ay ka mid tahay Soomaaliya ay lumiyeen inay sanadkan cod ku yeeshaan shirka, iyadoo dalalkaas ay ku jirto Soomaaliya.
HALKAN RIIX DAAWO WARAYSI
Danjire Abuukar Baalle ayaa sheegay inay jirto lacago lagu leeyahay Soomaaliya, isagoo tilmaamay in 15-kii la soo dhaafay ay lacagtaas taagneyd, isagoo xusay inay isku dayayaan in lacagtaas ay bixiyaan.
Waxaa uu beeniyay in loo diiday in Soomaaliya shirka golaha loo dhan yahay ka hadlaan ama codeeyaan, isagoo xusay in aanay jirin haba yaraatee xubinimo ay ku weyn karaan lacagta lagu leeyahay darteed.
“Waxba kama jiro, inaan xubinimada weyneyno ama in naloo diiday fadhiga, waxaa jirta lacago lagu leeyahay oo gaaraya hal milyan iyo afar boqol kun, waxaa ku jirnaa habkii aan lacagtaas ku bixin laheyn, 15-kii sano ee la soo dhaafay waa jirtay lacagtaas, waxaa ka shaqeyneynaa in sanadkan dambe lacagtaas lagu bixiyo oo aanay mar dambe soo bixi doonin”ayuu yiri Danjire Abuukar Baalle oo la hadlayay Idaacada VOA.
Danjiraha ayaa sheegay inay sannad walba codsanayeen in dib loo dhigo bixinta lacagtaas, sannadkanna ay sidaas sameeyeen.
Wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ka qeyb galaya shirka 72aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobey.