Shan carruur ah oo isku qoys ah ayaa maanta ku geeriyooday dab qabsaday gurigooda oo ku yaal magaalada Kismaayo, iyadoo dhacdadan ay aad uga argagaxeen dadkii deegaanka.
Wararka ayaa sheegaya in shanta carruur ee geeriyooday uu ugu weynaa 6 sano jir, halka kan ugu yar uu ahaa canug naas la nuujinayay.
Dhacdadan ayaa ka dhacday halka lagu magacaabo Dalxiiska Xaafada Farjano ee magaalada Kismaayo, waxaa la sheegay in hooyada dhashay carruurtan ay ku xirtay guriga, iyadoo dhar dhaqid u aaday xaafad kale, si ay nolol maalmeed ugu raadiso.
Wararka ayaa intaa ku daraya in cilad ka dhalatay koronto ku jirtay guriga ay isu bedeshay dab gebi ahaanba qabsaday gurigii ay ku jireen carruurta.
Hooyada dhashay carruurta ayaa la sheegay in markii lagu wargeliyay in carruurteedaku dhinteen dab ka kacay guriga ayay istaaga ka dhacday, dabadeedna suuxday
Shariif C/raxmaan Cabdullaahi oo deris la ah qoyska ay musiibada ku dhacday ayaa u sheegay Idaacada VOA in dhacdadan ay aheyd mid aad u argagax leh oo saameyn ku reebay dadkii deegaanka.