WARARKA SOOMAALI

Daawo:Maamulka Puntland oo gacanta ku dhigay Nin Soomaaliya oo dhan si weyn looga baadi doonayey-Video

Ciidamada ammaanka Gobolka Bari ayaa gacanta ku dhigay mid ka mid ah dadka la shaqeeya Magafaha dalka Libya, dadkana ka tahriibin jiray deeganada Maamulka Puntland.

Ninkan oo xalay gacanta lagu soo dhigay ayaa warkan waxaa warbaahinta u xaqiijiyay Gudoomiyaha Gobolka Bari Yuusuf Maxamed Waceys (Dhedo).

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

Wuxuu sheegay Gudoomiyaha ninkaasi in hadda ay ku socdaan baaritaano, Maxkamadna la horkeeni doono, si cadaalada loo marsiiyo.

Yuusuf Maxamed Waceys (Dhedo) Gudoomiyaha Gobolka Bari ayaa shacabka reer Puntland laabta ugu qaboojiyay in ninkan uu ku jiro gacanta Puntland, kaasi oo tahriibiyay dhalinyaro badan.

Wuxuu sheegay dhalinyarada inuu ka qaadi jiray lacag badan, kadibna uu tahriibin jiray, waxa kale uu intaasi ku daray Gudoomiye Dhedo, ninkaan inuu la shaqeyn jiray Magafaha dalka Libya jooga, maadaama dhalinyarada uu tahriibin jiray.

“Waxaa kaloo xalay lagu guulaystay in la soo qabto ninkii magafe ee bilihii ugu dambeeyay wadanka wareeriyay, ee ilmihii loo keeno ku bixinaayay laba boqol oo Dollar, oo dad badan reer Boosaaso ah tahriibiyay.” Ayuu yiri Dhedo.

Magaalada Boosaaso ayaa dhawr mar waxaa lagu qabtay xubno ka shaqeynaayay tahriibinta dhalinyarada Somaliyed, inkastoo Puntland si adag ay ula dagaalantay arintaasi.

 

SOMALI NEWS

To Top