WARARKA SOOMAALI

Daawo-Isebedelka Amaan ee Xamar & Sadexda taliye ee ciidamada dalka oo awaamiir Cul culus soo saaray-VIDEO.

Wasiirka Amniga Xukuumada Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloow Ducaale ayaa  Kormmer ku tagay qaybo badan oo ku yaala magaalada Muqdisho,  Wuxuuna ka hadlay Qorshaha Xasilinta Magaalada Muqdisho iyo Aruurinta Hubka sharci darada ah, Wuxuuna mar kale ku celiyey Go’aanadii kasoo baxay Xukuumada RW. Xasan Cali Khayre. Waxa sidoo kale hadlay sadexda taliya ee dalka ciidamadiisa qaabilsan kuwaasoo soo saaray awaamiirta hore iyo kuwa cusuba.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

1. Askarigii Magaalada Muqdisho qori ku dhex wataa talaabo Sharci ayaa laga qaadaya waana la xeraya.

2. In Talaabo Sharci ah laga qaadayo cidii lagu arki dharka ama Dareeska Ciidanka Xooga Dalka oo aan Taliska ka tirsaneyn.

3. In Ciidan iyo Gaadiid aan Warqad Fasax wadan in aan lagu arki karin gudaha Magaalada Muqdisho.

4. Ciidamada Xasilinta ayaa sugaya amaanka Xarumaha Dowladda iyo amaanka guud ee Caasimada ciidan kale laguma arki karo Muqdisho.

5. In la Faarujiyo oo laga baxo guryaha ay leeyihiin Ciidamada Xooga Dalka ee ku yaalla Muqdisho 1 Julaayo ka dib Shacab laguma arki karo Guryaha Ciidamada Xooga.

6. In aan Cid loogu turin Howlgalada Xasilinta Caasimada iyo Hub ka dhigista cidii ka hor timaaddo talaabo Sharciga waafaqsan laga qaadayo.

[email protected]

SOMALI NEWS

To Top