Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Maxamed Maxamed Cabdulalahi(Farmaajo) ayaa sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay awood buuxda siin doonto Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada xiligaan dalka ka jira, waxaana taasi dad badan ay rumeysan yihiin inay ka duwan tahay sida uu ula macaamili jiray Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud.
HALKAN RIIX DAAWO VIDEO
Sidoo kale waxa uu hadalkiisa intaas raaciyay in iyaga iyo dowlad Gobaledyada iska kaashaan doonaan la dagaalanka Al-Shabaab kordhinta dhaqaalo uu yeesho dalka Soomaaliyeed iyo sidoo kale sidii Mashruucyo Shacabka waxtar u leh kuwaas oo guud ahaan laga hirgeliyo.
Hadalkaan ayaa Madaxweyne Farmaajo waxa uu sheegay xili shalay Magaalada Kismaayo uu kulan kula qaatay Masuuliyiin uu horkacayay Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam(Axmed Madoobe).