Shabakada Horufadhi ayaa soo aruurisay warbixin ku saabsan shirar kala ujeedo ah oo ka soconaya magaalada Hargaysa, ugu horeyn halkaas shalay waxa gaadhay wafti uu hogaaminayey Dr Ali Khaliif Galaydh oo ah madaxweynaha Khaatumo oo ka soo laabtay Nairobi, waftigiisa waxa wehelinayey Maxamuud Ismaaciil Shabac oo ah wasiirka arimaha debeda, waxaa kaloo ku soo biiray Maxamed Baayir Mahdi, waxa kulamadani ka dhasheen shir horey uu Hargaysa kula sii qaatay maamulka Somaliland Madaxweynaha Khaatumo Ali Khaliif, wuxuuna kula balamay in shirar siyaasadeed lagu qabto Hargaysa soo noqoshadiisa, waxana horey hadaladiisa uga mid ahaa” Waa hadii aad wax mayir qab ah la imaanaysaan”, shabakada Horufadhi ayaa ogaatay in shirarkani weli si xawli ah u soconayaan, isla markaana ay la mid yihiin kuwii Adis Ababa iyo Djibouti ka dhacayey.
Lamana oga sababta keentay in Hargaysa lagu shiro, ayado horey Khaatumo ugu adkaysanaysey inaysan shir gudaha deegaamada maamulka Somaliland maamulayo lagu qaban, isla markaana la helo cid wax kala tidhaahda ama ugu yaraan kala dhexgasha.
Maxamuud Garaad iyo Somaliland.
Sidoo kale waxa magaalada Hargaysa ku sugan tiro badan oo Cuqaal, Odayaal iyo waxgaradka Maxamuud Garaad ah, kuwaasoo halkas u tegay shirar siyaasadeed, xubnahan ayaa la kulmay maamulayaasha Somaliland, xubnaha musharaxiinta ee xisbiyada iyo dhamaan cidkastoo saameeyn leh, waxayna cod dheer ugu sheegeen inaysan Khaatumo ahayn, Ali Khaliifna uusan matalin, Somaliland-na ay yihiin sida goobjooge sheegay, xubanahan ayaa cadeeyey in Maxamuud Garaad ay iska diwaangelisay in ka badan 40kun oo qof oo Somalinimadana ay qaateen, sidaas daraadeedna ay tahay in la fulliyo heshiisyadii shirarkii Awrboogays iyo Adhicadeeye, balse aysan ogoleen in la dhaho Khaatumo ayaad ka tirsan tihiin Somaliland-na banaankaad ka tihiin.
Maxamuud Xaashi iyo Muuse Biixi ayaa u sheegay xubnahan una balan qaaday inaysan Khaatumo masali doonin, arintana ay u cadeen doonaan Ali Khaliif, lana fulin doono heshiisyadii hore ee beeshu la gashay dawladooda, waa sida hadalka ay u dhigeen xubnihii beesha Isaq ee Somaliland, waxana lagu qanciyey inay nastaan oo ka dhursugaan dawladda dhexe, isla markaana deegaamadooda ay heli doonaan waxii xuquuq ka maqan.
Reer Buuhoodle iyo Somaliland.
Sidoo kale waxa ayaguna shirar doceedo la yeeshay maamulayaasha Somaliland odayaal iyo wafti balaadhan oo ka tegay Buuhoodle, kuwaasoo Hargaysa ayaguna u tagay inay sheegaan inay doonayaan in si madax banaan loola xaajoodo, oo reer Buuhoodle ahaan loola hadlo Khaatumona aysan matalin, waxaa ayagana loo sheegay in sidooda loola macaamilayo hawsha Khaatumona soconayso, Odayaasha ayaa sheegay inay hadey yihiin reer Buuhoodle madaxdhaqameedkooda, hubkooda iyo saraakiiishooduba aysan Khaatumo ahayn, isla markaana ay doonayaan inay Somaliland iskood ula xaajoodaan, waxana ayagana loo balan qaaday wada shaqayn balse waxa laga codsaday inay Buuhoodle gaadhsiiyaan Somaliland kana muujiyaan in Buuhoodle Somliland tahay, isla markaana ay helayaan xuquuqda ay doonayaan.
Goobjooge ku sugan Hargaysa oo u waramay xog doonayaasha shabakada Horufadhi ayaa ku macneeyey jah wareer ka iyo habqanka Dhulbahante ee ka taagan Hargaysa mid la mid ah sanadihii 2000 ilaa 2002 oo hadba koox beelaysan inteey tagaan ay odhan jiren anagoo reer hebela nala hadla.
Siyaasadaas ayaa ahayd tan socotay ila sanadkii 1991dii, ayadoo ilaa xiligaas aysan jirin wax isbedel siyaasadeed ah oo dhacay, marka laga reebo in hadba kooxi soo ducduucdo Somaliland intey shilimaan soo qaataan, Ali Khaliif iyo xubnaha la socda ayaa dhankooda ku adkaysanaya inay ayagu yihiin dadkii ka masuulka ahaa umaddan, ayna ka unkameen maamul sharci ah oo Khaatumo la dhaho dadkana ayagu ay matalaan wax ay soo kordhinayaana aysan jirin afarta ruux ee Hargaysa ku sugan ee odayaasha ka soo kala geexeyey Xudun iyo Buuhoodle.
Dhanka kale Faysal Waraabe oo isaguna beryahan hadba si gooniya isugu xoqayey Dhulbahantaha jah wareersan ayaa sheegay inuu ku xigeen ka dhiganayo wiil dhalinyara ah oo Dhulbahante ah, kaasoo uu sheegay inuu yahay reer Xudun, wuxuuna taas ka dhex sheegay madal.
Isku soo wada duuduub, Isbarbaryaaca, is arki waaga, siyaasad xumada iyo jah wareerka haysta Dhulbahante ayaa ah mid maraya halkii ugu liidatay, ayadoo xataa hada maamulkii Isaaq ku anfariirey si ay u kala saaraan iyo si ay ula kala macamilaan, Hargaysana lagu kala horayo ayagoo koronkoro ah.