WARARKA SOOMAALI

Daawo:Haweenay mar hore Lagu Xukumay 15 Sano oo Maanta ku Geeriyootay Xabsiga Muqdisho-Video

Deeqo Diraac oo sanadkii 2014 ay Maxkamadda ciidamada qalabka sida ay ku xukuntay 15-sano oo xabsi ah ayaa lagu soo waramayaa inay ku geeriyootay Xabsiga Dhexe ee Muqdisho.

Sida ay shaacisay Wakaaladda Wararka ee SONNA Deeqo Diraac ayaa u geeriyootay cudurka macaanka ama Sokorowga, waxaana muddooyinkii u dambeysay ay ku xanuunsaneysay Isbitaal ku yaal Xabsiga Dhexe.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

Haweeneyd ayay horay Maxkamadda ciidamada qalabka sida ugu eedeysay inay la shaqeyso Al-Shabaab, cuntadana u karin jirtay, hubkana u qarineysay.

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ayaa sanadkii 2014 mar qudha xukuntay iyada iyo labo nin kale oo loo heystay dilka gabar ardayad aheyd oo lagu magacaabi jiray Nafisa Cusmaan oo la dilay bishii April ee sanadkaas.

Maxkamadda ayaa dil toogasho ku xukuntay Shaafici Cabdi Xersi iyo Xasan Maxamuud Cabdi oo qirtay inay dileen Nafisa, waxaana bishii July ee sanadkii 2014 lagu fuliyay dil toogasho ah.

Hase ahaatee Maxkamadda ayaa 15 sano oo xabsi ciidan ah ku riday Deeqo Diraac, waxaana wixii ka dambeeyay markii uu xukunkaas ku dhacay la sheegay in xanuuno kala duwan ay ku soo wajaheen xabsiga.

Xabsiga Dhexe ee Muqdisho ayaa waxaa horay ugu geeriyooday dad sanado ku xukunaa, kuwaasoo u dhintay cuduro kala duwan.

SOMALI NEWS

To Top