WARARKA SOOMAALI

Daawo:Donald Trump oo ka digay Dagaalkii Sadexaad ee Adduunka iyo Cabsi xoogan oo laga qabo Dagaal Khadhaadh oo ka dhex qarxa-Video

Madaxweyne Donald Trump ayaa markale ka digay in uu billaaban karo dagaal wayn oo lala galo Kuuriya Waqooyi kaas oo salka ku haya hubka nukliyeerka ah, Wuxuuna sidoo kale ka hadlay Arimo Quseeya Sucuudiga, Falastiin iyo Israaiil.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

Trump oo la hadlayay wakaaladda wararka ee Reuters ayaa waxaa kale oo uu sheegay inuu door bidayo in arrintani ay noqoto mid lagu xaliyo qaab dublomaasiyadeed, balse buu yiri ay adagtahay in laga guul gaaro.

Madaxweyne Trump waxaa kale oo uu bogaadiyay dhigiisa dalka Shiinaha Xi Jinping oo isku dayay buu yiri inuu cadaadis saaro dalka Kuuriyada Waqooyi.

Horaanna xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Rex Tillerson oo la hadlayay telefishinka Fox news ayaa sheegay in dowlada Shiinaha ay uga digtay xukuumada Pyongyang cunaqabateyn lagu soo rogo haddii ay markale tijaabiso barnaamijkeeda nukliyeerka.

Dhanka kale dowlada Kuuriyada waqooyi ayaa soo saartay muqaal borobogaando ah oo muujinaya weerar ka dhan ah Mareykanka.

Arrintani ayaa kusoo beegmeysa maalin uun kaddib markii madaxweyne Donald Trump u warbixin ka siiyay xubnaha aqalka senate-ka ee Maraykanka khatarta Mareykanka kaga imaaneysa dowlada Kuuriyada Waqooyi, waxaana uu sidoo kale madaxweynaha soo bandhigay qorshe uu doonayo in lagu ballaariyo cunaqabatayn la saaro dalkaasi.

 

SOMALI NEWS

To Top