WARARKA SOOMAALI

Daawo:Dowladda Farmaajo oo ku fashilantay wada hadalkii Galmudug iyo Ahlu-suna iyo Galmudug oo Doorasho ku dhawaaqday-Video

Wada hadaladii la filayay in Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya uu ku dhexmaro Maamulada Galmudug iyo midka Gobolada Dhexe ee Ahlusuna ayaa shalay la shaaciyay in uu fashilmay.

Heshiiskan ayaa waxaa garwadeen ka aheyd Dowladda Federaalka, gaar ahaan qaar ka tirsan Wasiirada oo uu ugu horeeyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdi Faarax Juxa.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

Wasiirka Dastuurka iyo Dib u heshiisiinta Maamulka Galmudug ahna Gudoomiyaha Guddiga wada hadalka Galmudug Cusmaan Maxamed Cali oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa sheegay Dowladda Federaalka in ay ku guuleysan weyday in ay Ahlusuna ku qanciso wada hadalka, ayna ka qeyb qaataan Nabadda.

Cusmaan Maxamed Cali Wasiirka Dastuurka iyo Dib u heshiisiinta Maamulka Galmudug ayaa sidoo kale sheegay wax walba in ay ka socon waayeen dhanka Ahlusuna, ayna sii wadan doonaan Doorashada ka dhaceysa Magaalada Cadaado 30-ka Bishan.

10-kii bishan ayaa la filayay in Magaalada Muqdisho uu wada hadal rasmi ah uga furmo Maamulada Galmudug iyo Ahlusuna oo ay garwadeen ka tahay Dowladda Federaalka, islamarkaana uu socda ilaa iyo 24-kii bishan.

 

SOMALI NEWS

To Top