WARARKA SOOMAALI

Daawo:Ciidamada AMISOM oo maanta Burburiyay Warshadii Dharka iyo Suufka Somalia ee Degmada Balcad iyo Sababta-Video

Kolanyo ay wateen ciidanka AMISOM ayaa la sheegay inay burburiyeen Warshadda Dharka ee degmada Balcad, oo la sheegay inuu jiiray mid ka mid ah gawaarida ciidamada AMISOM.

Guddoomiyaha guddiga maamulka iyo nabad galyada WarshaddaTahliil Axmed Ayaanle ayaa xaqiijiyey warkaan, waxaana uu sheegay in AMISOM waxyeelo ay gaarsiisay dhismaha Warshadda, oo uu tilmamay in Toban mitir uu jabiyey gaari ay leeyiin ciidanka AMISOM.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

Tahliil ayaa tilmaamay in falkaas markii ay geysteen ciidamada AMISOM ay isga tageen goobta, iyagoo aan la hadlin maamulka Warshadda.

Warshadda dharka ee Balcad ayaa ah warshadda kaliya ee bad qabta, kana mid ah warshadihii dalka ka shqeyn jiray, waxaana gacanta ku hayaa oo ilaaliya muwaadiniin Soomaaliyeed.

SOMALI NEWS

To Top