WARARKA SOOMAALI

Daawo:Maxaa kasoo baxay Kulan Xasaasi ah oo Dhexmaray RW Khayre iyo Madaxda Maamulada Somalia+Farmaajo oo ku dhagan Gaas-Video

) Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre iyo Madaxda Maamul Gobolleedyada, Puntland, Jubbaland, Koonfur-Galbeed,  Ku-simaha Madaxweynaha Galmudug, Hirshabeelle iyo Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir, ayaa kulan gaar ah la qaatay Guddiga Gurmadka Abaaraha, waxana ay warbixino la xiriira wax yaabihii u qabsoomay ay siiyeen madaxda.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

Sheekh Nuur Baaruud oo ku hadlayay magaca Guddiga gurmadka abaaraha ayaa tilmaamay in mudadii saddexda bilood ee guddiga shaqeynayay lacagihii ay qabteen badan keeda ay gaarsiiyeen dadka dhibaataysay, wuxuna si gaar ah mahad uga celiyey cid walba oo gacan ka geystay gurmadka.

Qaar ka mid ah Madaxda maamul gobolleedyada ayaa ku ammaanay Guddiga gacanta ku haya gurmadka Abaaraha sida ay u dhawrayaan ammaanada loo dhiibay, waxayna sheegeen in loo baahan yahay guud ahaan dadka Soomaaliyeed ay isku tashadaan si looga maarmo kaalmo shisheeyo.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed ay muujiyeen isku tashi, isagoo tilmaamay in gurmadkani uu ka turjumayo soo noqoshada kalsoonidii ay isku qabeen bulshada Soomaaliyeed.

SOMALI NEWS

To Top