WARARKA SOOMAALI

Maamulka Ahlus-suna oo sheegay in lagu xumeeyay Muqdisho iyo Wada hadalkii Galmudug iyo Ahlu-suna oo fashil ku dhow…

Maamulka Ahlusuna Wal-jameeca ayaa saluuga qaabka loogu casuumay Muqdisho, oo ay wada hadalo kula yeelan lahaayeen Maamulka Galmudug, kaasoo ay garwadeen ka noqon laheyd dowladda Federaalka.

Ahlusuna ayaa la sheegay inay saluugtay martiqaad uu u fidiyay Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Cabdi Faarax Juxa, taa bedelkeed ay door bideen inuu martiqaado Ra’iisul Wasaaraha.

Wararka ayaa sheegaya in wada hadalada dhex mari lahaa labada dhinac uu arrimo farsamo u baaqday, iyadoo saddex maalin uu dib u dhacay shirka.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda ayaa sheegaya in Ahlusuna markii dambe lagu qanciyay inay Muqdisho yimaadaan, waxaana maanta lagu wadaa inay magaalada Muqdisho soo gaareen wafdi ka socda.

Wafdigii ka socday Galmudug ayaa labo maalin ka hor soo gaaray Muqdisho, iyagoo aqbalay casuumaadii uu u diray Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdi Faarax Juxa.

Dib u dhaca ku yimid wada hadalada Galmudug iyo Ahlusuna ayaa waxaa laga cabsi qabaa inuu saameyn ku yeesho jadwalka loo dejiyay qaabka loo wajahayo doorashada Madaxweynaha oo lagu wado inuu dhaco 30-ka bishan

SOMALI NEWS

To Top