WARARKA SOOMAALI

Daawo:Madaxda Maamul Gobaleedyadda oo ku gacan saydhay Amar culus oo kaga yimid Farmaajo iyo Shirka maanta-Video

Maamul goboleedyada dalka ayaa kasoo horjeestay amar adag oo kaga yimid madaxtooyada Soomaaliya kaas oo ku saabsan ilaa sedex qodob.

Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo ayaa isugu yeeray madaxda maamul goboleedyada isagoo ku amray iney qaataan sedex qodob oo kala ah ineysan ka qeyb galin shirka magaaladda London, in heshiisyada caalamiga ah loo madax baneeyo dowlada dhexe iyo in militeriga Soomaaliya la geeyo guud ahaan deegaanada maamul goboleedyada dowlada dhexana ay xukumi doonto.

Laakiin madaxda maamul goboleeydada ayaa markii ay soo gaareen magaaladda Muqdisho waxaa ay gabi ahaanba diideen amarka uga yimid madaxtooyada Soomaaliya iyagoo u sababeeyay in xili hore ay tahay haatan oo aysan wax kalsooni ah ku qabin dowladda cusub.

Wararka aan helnay ayaa sheegaya in si gaar ah ay arimahaas udiideen madaxweynayaasha Puntland, Jubbaland iyo Hiirshabeelle isla markaana ay xafiiska Farmaajo ku wargeliyeen in danaha maamuladooda ay iyaga umadax banaan yihiin.

”Dhamaan maamulada ayaa haatan kasoo horjeeda qorshaha ay dowladda soo bandhigtay” waxaa sidaas yiri siyaasi diiday inaan magaciisa isticmaalno.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

Madaxda maamul goboleedyada ayaa bilaabay iney si iskood ah safaarada Ingiriiska uga raadsadaan fiisooyinkii ay ku aadi lahaayeen magaaladda London si ay uga qeyb galaan shirka arimaha Soomaaliya looga hadlayo.

Madaxweynahaasha Puntland iyo Jubbaland ayaa la kulmay safiirka Britain ee Muqdisho kadibna waxaa ay ku heshiiyeen muhiimada shirka London iyo sida maamul goboleedyada uga qeyb gali lahaayeen.

Waxaa kale oo la filayaa in sidaas si lamid ah ay madaxda maamul goboleedyada sida Koofur Galbeed, Hiirshabeelle iyo Galmudug loo gacan geliyo warqada casuumaada ee shirka magaaladda London.

Sidoo kale, madaxda maamuladda ayaa sheegay in ciidamada deegaanadooda ku sugan ay yihiin kuwa ugaar ah maamuladooda ayna aqbali doonin iney utaliyaan saraakiil Muqdisho laga soo magacaabo.

Waxaa kale oo ay gabi ahaanba maamuladaan diideen qorshaha ah in heshiisyada waa weyn loo madax baneeyo dowladda dhexe, waxaana ay sheegeen in xaq ay uleeyihiin in heshiis walba oo deegaanadooda muhiim u ah ay sameyn karaan.

Si kastaba, dowladda cusub ee Soomaaliya ayaa wajahaysa caqabada xoogan taas ay ugu horeyso dhanka amaanka, xariirka wadamada gobolka iyo xariirka maamul.

Wararka Horufadhi.com

SOMALI NEWS

To Top