WARARKA SOOMAALI

Daawo:Nin Cabsi iyo Hurdo la,aan ku riday Donald Trump oo nolasha lagu soo qabtay,iyo Wuxuu mudan doono-Video

Nin lagu magacaabo Joseph jakubowski oo 32 jir ah ayaa maalmahaan dambe qal qal xoogan galiyay guud ahaan dalka Mareeykanka gaar ahaan amniga Madaxweyne Donald Trump .

Ninkaan ayaa jabsaday Baqaaro hub ka buuxaan wuxuuna waraaqo hanjabaad ah u diray aqalka cad ee looga taliya dalka Mareeykanka ee (the White House) kaas oo sheegay in uu qarxin doono ama dili doono Madaxweyne Donald Trump .

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

Joseph Jakubowski ayaa sameeyay urur mucaarad ah oo ka soo hor jeedo siyaasada Madaxweyne Donald Trump wuxuuna gubay dhoor gaari . Wadooyinka ugu caansan dalka Mareeykanka ayaa maalmahaan dambe waxaa lagu soo dhajiyay sawirada Joseph Jakubowski kaas oo dadka looga digay .

Boqolaal ciidan oo aad u hubeeysan ayaa ka qeyb qaatay raadinta iyo ugaarsiga Joseph Jakubowski , waxeeyna ugu dambeyntii ku guuleysteen inay nolasha ku soo qabtaan ninkaan iyo hubkii uu jabsadayba .

SOMALI NEWS

To Top