WARARKA SOOMAALI

Deg Deg Daawo:Shacabka Gobalka Shabeelaha Hoose oo farxad Darteed ilmadu ka Qubatay iyo Wabiga oo-Video

Wabiga Shabeelle ayaa mudo 4 Bilood kadib waxa uu soo gaaray Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose, sida ay xaqiijiyeen dadka halkaasi ku nool.

Dadka Beeraleyda ah ee ku nool Degmada Afgooye iyo Degaanada ka akdhow ayaa waxa ay sheegeen in ay aad u soo dhaweynayaan imaanshaha Biyaha Wabiga Shabeelle, maadaama baahi badan ay u qabeen.

Waxa ay sheegeen abuurkii ay ku sameeyeen beerihii in dhammaantood ay qalaleen, sidoo kale waxa ay tilmaameen inta ay maqnaayeen Biyaha wabiga in ay la kulmeen khasaare dhanka dalagoodii ay beerteen ah.

 HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

Sidoo kale waxa ay sheegeen Wabiga maqnaashihiisa in ay horey uga barteen bil ilaa iyo Laba bil, balse waxa ay tilmaameen in markan uu aad u soo daahay.

Qeybo ka mid ah Gobolada Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya ayaa mudooyinkan dambe waxaa ka jira Abaar daran oo leysay dadka iyo duunyada.

SOMALI NEWS

To Top