WARARKA SOOMAALI

Deg Deg Daawo:Ciidamada Galmudug oo Xoog kusoo furtay Ajaanib Burcad-badeed haysatay-Video

Ciidamada Nabad sugida maamulka Galmudug ayaa xoog kusoo furtay 8-bad maax oo u dhashay dalka Hindiya, kuwaa ay dhawaan afduubteen Kooxo burcad badeed ah oo ka qowleesata xeebaha Soomaaliya.

Ciidamada Nabad sugida oo maalmihii lasoo dhaafay waday howlgalo ay ku baadi goobayeen dadkan la afduubtay ayaa ugu dambeyn maanta u suurto gashay in dadkaasi ay xoog uga soo furtaan burcad badeeda.

Dadka burcad badeeda laga soo bad baadiyay ee u dhashay dalka Hindiya ayaa gaarayay 8 badmaax , waxa ayna ragan la socdeen Markab lagu magacaabo Ms Al Kausar oo maalmo kahor koox burcad badeed ah kasoo afduubatay xeebaha Soomaaliya.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

Ciidamada Nabad suigida ayaa sidoo kale howlgalka ay kusoo furteen dadka la heestay waxa ay kusoo qabteen afar nin oo kamid ahaa kooxihii burcad badeeda ee qafaashay dadkan ajaaniibta ah ee u dhashay Hindiya.

Kooxaha burcad badeeda Soomaalida ayaa mar kale u muuqda kuwa dib isku soo abaabulaya, waxaana dhawaan biyaha Soomaaliya ay ku afduubteen maraakiib iyo doonyo ganacsi inkastoo markii dambe qaarkooda laga sii daayay.

 

 

SOMALI NEWS

To Top