WARARKA SOOMAALI

Daawo:Al-shabaab oo Farmaajo usoo diray Hanjabadii ugu cusleyd kana jawaabay Dagaal uu dhawan ku dhawaaqay-Video

Kooxda AlShabaab ayaa jawaab adag ka bixisay go’aankii uu madaxweyne Farmaajo xaalada deg deg ah ku geliyay dalka, iyagoo sheegay in go’aankaas uu u fududeyn doono iney la dagaalamaan ciidamada DFS iyo kuwa Amisom.

Afhayeenka Kooxda ALShabaab Sh Cabdi Casiis Abuu Muscab ayaa sheegay in Farmaajo uu yahay nin ka liita madaxdii hore sida Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif isla markaana ay kaga adkaan doonaan dagaalka.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu Afhayeenka AlShabaab sheegay in Farmaajo uu madaxdii hore uga duwan yahay fudeyd “isagoo aan xataa labo bil joogin ayuu tuute soo qaatay oo uu dagaal iclaamiyay”ayuu yiri afhayeenka AlShabaab.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

Afhayeenka Kooxda AlShabaab ayaa sheegay iney yaqaanaan sida looga guuleysto qofka fudud ayna sii wadayaan weerarada ay ku qaadayaan xarumaha dowlada iyo dagaalada tooska ah.

Hadalka kasoo baxay AlShabaab ayaa kusoo aadaya xili madaxweyne Farmaajo uu dhawaan ku dhawaaqay in dalka uu geliyay xaalad dagaal oo deg deg ah.

SOMALI NEWS

To Top