WARARKA SOOMAALI

Daawo:Gaas oo Shalay Imaaraadka u aaday sidii uu u soo Xaraashi lahaa Dekedda Boosaaso iyo Khaayradka Badda Somalia-Video

Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa shalay ka dhoofay Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Garoowe Xarunta Maamulka Puntland.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

Cabdiweli Gaas waxaa safarka ku wehelinayey Xubno kamid ah maamulkiisa,Cabdiweli Gaas ayaa safarkan uu galabta kaga baxay Garoowe ayuu ku tagi doonaa Dalka imaaraadka isaga oo kusii hakan doona Dalka Itoobiya.

Cabdiweli Gaas oo ka hor inta uusan ka dhoofin garoonka Diyaraadaha Garoowe ee Kanooko ayuu Saxaafada la hadlay wuxuuna shegay in uu u baxayo Safar shaqo oo u ku tagayo Imaaraadka,kaas oo ay ugu weyn tahay arinta Dekedda Magaalada Boosaaso oo la filayo Gaas in uu kusoo saxiixo Imaaradka sidii loogu wareejin lahaa Shirkada DP-World  oo la sheegay in ay Balaadhan iyo Dayactir ku sameyn doonto.

Wararka Horufadhi.com

SOMALI NEWS

To Top