WARARKA SOOMAALI

Baabul Camey oo sameeyay fal ka Baxsan Xaquuqul iinsaanka iyo Shacab uu Caawimadoodii hor istaagay-Warbixin

Waxaa maalinnimadii shalay hakad galay labo diyaaradod oo sida ma caawinooyin isugu jira dawooyin iyo raashin oo loogu talagalay dadka ay abaaruhu sameeyeen ee ku nool deegaanada Sool, Sanaag iyo Cayn kuwaas oo maanta ka duuli lahaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

Deeqdan oo ay bixiyeen dowladda federalka Soomaaliya iyo hay’addaha Qaramada Midoobe si loola gaaro dadka shuban biyoodka iyo cudurada kala duwan la daala dhacaya deegaanada Buuhoodle iyo goboladda kale ayaa xariyaad culus lagu soo rogay.

Xayiradan ayaa timid sida la sheegay kadib markii xafiiska Ra’iisal wasaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ay soo gaartay waraaq uu qorey madaxwayne ku xigeenka Puntland Eng. C/xakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar Camay oo uu ku sheegay in magaalooyinka Buuhoodle, Taleex iyo deegaano kaleba aysan ka jirin xaalad nabad galyo isla markaasna deeqahaasi lasoo mariyo magaalada Garoowe ee caasimada Puntland.

Sidoo kale waxaa ku xusnaa waraaqdani uu qoray Eng. Camay in aysan ka dagi karin diyaaradi garoomada diyaaradaha magaalooyinka Buuhoodle iyo Taleex oo ka kala tirsan goboladda Cayn iyo Sool.

Xildhibanada laga soo doortay deegaanada Sool, Sanaag iyo Cayn ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa muddooyinkii ugu dambeeyey waday dadaalo lagu gaarsiinayo gar gaar deg deg ah dadka ay ku dhufteen abaaraha isu badalay macaluusha sidii loo samata bixin lahaa.

Wararka Horufadhi.com

SOMALI NEWS

To Top