WARARKA SOOMAALI

Daawo:Jawaari oo ku kacay Xildhibaanada Baarlamaanka iyo Digniintii ugu cusleyd-Video

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan  Jawaari ayaa sheegay in Xildhibaaada Baarlamaanka loogu baahan yahay in ay joogteeyaan Kulamada Baarlamaanka.

Waxa uu sheegay in aan la aqbali doonin in Xildhibaanada ay si iskood ah ay ugu maqnaadaan kulamada Baarlamaanka.

Waxa uu sheegay in Xildhibaanada Qaranka loogu baahan yahay in ay ilaaliyaan sharciga isla markaana ay si sax ah u gutaan waajibaadka iyo Masuuliyada saaran oo ay u dhaarteen.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

Waxa uu sidoo kale sheegay in ay jiraan Xildhibaano u yimaado Xarunta golaha Shacabka isxaadirin oo keliya ka dibna aan kulamada baarlamaanka ka qeyb qaadan, waxa uu sheegay in ay isxaadiriyaan ka dibna ay iska baxaan.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan  Jawaari ayaa Xildhibaanada Qaranka sidoo kale ugu baaqay in ay mar walbo ilaaliyaan Masuuliyada saaran iyo gudashada waajibaadkooda.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa dhowr mar shaaciyay in la ganaaxayo Xildhibaanada aan soo xaadirin Kulamada Baarlamaanka.

 

SOMALI NEWS

To Top