WARARKA SOOMAALI

Bayaan ka soo baxay shir deg deg ah oo ay isugu yimaadeen gudida Nabadeynta ee beelaha Khayr Abdi & Maxamed Garaad.

Waxaa shalay oo taariikhdu ku beegnayd 01 /04/2017, waxaa shir deg- deg isugu yimid gudiga nabada iyo horumarinta beelaha Khayr Cabdi iyo Bahararsame ee UK, Kulankan oo ka dhacay London, ahna kulankii labad ee uu yeesho gudigu ayana dhanka telephonka kaga sooqayb galeen culimaddii waday nabada oo uu ka midyahay Sheekh Cabdinaasir Xaaji Axmed iyo Dr Axmed Jamac Ismaaciil Mire ayaa gabagabadii ka soobaxay war murtiyeed. Qodobadii ka soobaxay  kulankii labaad ee uu yeesho goluhu ayaa u dhignaa sidan,

1- Wuxuu goluhu cambaareeyay falkii foosha xumaa, una dambeeyay dhibkii jiray ee ka dhacay soonaha Dhumay, islamarkaana wuxuu ka tacsiyadeeyay qarabaddii iyo qoyskii uu ka geeriyooday Marxuum Cabdiraxmaan Mahad Haydayn, Ilahay waxaan ka baryanaa inuu Janadii ka waraabiyo. Waxaan Ilahay ka baryanaa inuu dhibkaas dhacay mid kale ka daba keenin, kuwa waxaas foosha xun samaynaya uu san u xilqarin, Allena inoo hadeeyo, hadduusan hadayn lamaagina uu ina qabto.

2- Wuxuu goluhu soojeedinayaa in si deg – deg ah loohelo una yimaadaan dhammaan cushaasha labada beelood iyo wixii talo looga marminba.

3- In ay cuqaashaas iyo  wixii talo looga marminba dhammaan qalinka ku duugaan in ninkii nin dila uu falkaasi gooni u yahay, beesha uu ka soojeedda uusan ku gaban karin, lanaqarin, lasheegana magaciisa oo sadexan, lana dilo, sidaa haddii ay dhacdana, waxaa xidhmaysa nabaddii, waxaana loogudbi gogashii waynayd Insha Allah.

3- Lahelo lana raadsho dadkii iyo qaraabaddii dhibku gaadhay iyadoo culimada,  kuwa labada belood iyo cuqaasha labada belood ay iska kaashanayaan arintaa, caaqil walibana uu sigaara u soo uruuriyo dadkii dadkooda ladhaawacay ama dhintay.

4- Waa in haddii ay suurowdo in fariin nabadeed Text Messege ah ay gaadho dadka warku gaadhin ee duurka ku jira si baaqa nabadu u gaadho cidkasta oo ay qusayso.

Ugu dambayntii, wuxuu goluhu ku baaqayaa in dab dooxo laqabadsiiyo ay fududahay adagtahayse in la damiyo. Sidaa waxaa lamida in dhib dhoco waa fududahay laakiin in xal lahelo waa dheeraataa, waana in dhibkastoo dhaca loo dhabar adaygo laysna xakameeyo.

Gudoomiya Gudiga nabada ee UK Maxamuud Ciise Bootaan

Email: [email protected]
Wabilaahi Tawfiiq…

SOMALI NEWS

To Top