WARARKA SOOMAALI

Deg Deg Daawo:Wariye la xidh xidhay oo hada lagu soo tuuray Degmada Afgooye kadib Afduub shalay ka dhacay Muqdisho-Video

Wariye Hanad Cali Guuleed oo katirsanaa Warbaahinta Goobjoog ee magaalada Muqdisho ayaa saakay laga helay isaga oo gacmaha iyo indhaha ka xiran Degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Sida aan Wararka ku helnay Wariyaha oo jir dil loo geestay uu ka muuqdo kana xirnaa gacmaha iyo lugaha ayaa saakay laga helay Degmada Afgooye, waxaana wariyaha warkiisa la la’aa tan iyo shalay markii la afduubtay.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

Kooxo hubeesan oon heebtooda wali la garan ayaa la sheegay in Wariyaha ka afduubteen Deegaanka Garasbaaley oo kuyaala duleedka magaalada Muqdidsho, waxaana afduubkan si weyn uga naxay Wariyaasha Soomaaliyeed.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumada Soomaaliya Ing. C/raxmaan Cumar Yariisow ayaa xaqiijiyay in Wariye Hanad Cali Guuleed uu xuriyadiisa dib u helay, waxa uuna Wasiirka si kulul u cambaareeyay afduubka loo geestay Wariyahaasi.

“Waxaa farxad weyn noo ah in Weriye Hanad Cali Guuleed uu bad qabo. Dowlada waxaa ka go’an in baaris la sameeyo si Sharciga loo horkeeno dadkii Afduubay Wariyaha” Ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya

Wariyaasha Soomaaliyeed ayaa tan iyo shalay markii la afduubtay Wariye Hanad Cali Guuleed si weyn uga walaacsanaa afduubkaan iyo sida ay xalakiisu ku dambeyn doono, waxaana sii deysmada Hanad si weyn usoo dhaweeyay uguna farxay Wariyaasha Soomaaliyeed ee kunool dal iyo Dibad.

SOMALI NEWS

To Top