WARARKA SOOMAALI

Gudomiye Jawaari oo ka dalbaday R/Wasaare Khayre inuu dib u Eego golihiisa wasiirada oo cadaalad darro hadhaysay-NUQUL.

Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaliyeed Maxamed Cismaan jawaari ayaa qoraal uu u direy ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre waxa uu kula taliyay in uu dib ugu laabto golihiisa wasiirada kahor inta aysan ka dhamaan xilliga la horgeynayo Baarlamaanka.

Qoraalka uu u direy guddoomiyaha baarlamaanka ra’iisal wasaare Kheyre oo nuqul ka mid ah soo gaaray jowhar.com ayaa waxaa ku lifaaqan qoraal ay 104 xildhibaan u gudbiyeen guddoonka baarlamaanka kuwaasoo ku dhaliilay ra’iial wasaare Kheyre inuusan raacin habka awood qeybsiga ee 4.5. Beelaha qaar ayaa la siiyey afar, afar wasiir halka qaarkoodna wasaarado la kala qaad-qaaday loo jaray, waxana ka mid ah in beelaha wasiirada muhiimka ah la siiyey loogu darray ku xigeeno iyo weliba wasiiru dawlayaal, taasoo keentay mucaaradad xoogan oo barlamaanku ka muujeen.

Halkan ka aqriso qoraalka uu Guddoomiye Jawaari u direy Ra’iisal wasaare Kheyre.

SOMALI NEWS

To Top